Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay ilaa 40 kalena waa la la’yahay kadib markii daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da’ay bartamaha Afgaanistaan ay geysteen khasaarahaas.
Afhayeen Axadda maanta ah u hadlay xukuumadda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in gargaar deg deg ah lala gaarayo aagga ay masiibada ka dhacday ee degmada Jalrez ee gobolka Maidan Wardak.
Afhayeenka ayaa sheegay inay heleen warka la xiriira geerida 12 qof iyo afartan qof oo la la’yahay, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Waxa uu intaa ku daray in daadadku ay sababeen burbur dhaqaale.
Inkastoo Afgaanistaan ay ku taal cirifka galbeed ee aagga qaaradda Aasiya ee ay dabeylaha monsoon-ka ku dhuftaan, daadad xooggan ayaa si joogto ah uga dhaca dalkaasi inta lagu jiro xilli roobaadka.