Joan Kagazi oo Madax u ah Dembi-baaraasha Uganda ugu qaabilsan Argagixisadda, ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Deegaanka ay ka soo jeedo ee Najeera ee duleedka Kampala.Â
Waxaana aad loo adkeeyey Ammaanka, iyadoo Baarayaal caalami ah lagu wado inay gacan a geystaan baaritaanka kooxihii ka dambeeyey dilkeeda.
Rag hubeysan ayaa habeen hore toogtay haweeneydaasi waxaana weerarkaasi kaa badbaaday saddex carruur oo ay dhashay.
Ma cadda ujeedada loo dilay, inkastoo uu Taliyaha Guud ee Boliskaaa Uganda sheegay inuu ahaa weerar qorsheysan,
Â
Joan Kagazi waxay gacanta ku haysay dacwad loo haysto 13 Eedeysane oo lala xiriirinayo qaraxyadii ay Alshabaab ka geysteen Kampala bishii July ee sannadkii 2010-kii, laguna dilay ugu yaraan 79-qof.
Dhinaca kale, , Wasiirka Arrimaha Gudaha e dalka Uganda, Jeneral Aronda Nayakayirma ayaa sheegay inaysan Ugnada baqdin gelin karin kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda.
Â