Laba wiil oo lagu eedaynayo in ay ku lug lahaayeen fal dhac hubeysan oo ay la beegsadeen darawallada Uber iyo Lyft ee dalka Mareykanka ayaa dacwad lagu soo oogay.
Xeer Ilaaliyaha dalka Mareykanka u fadhiya gobolka Minnesota Andrew Luger ayaa soo saaray bayaan maalintii Arbacada aheyd ee todobaadkaan isaga oo sheegay in 20 dambi iyo eedo ku soo oogay labbadan nin.
Ragga ayaa loo heystaan inay hoggaamiyeyaal ka ahaayeen dhac ay burcad hubeysan geysanayeen, rabshado dhacay iyo falal qorshaysan oo ka dhan ah darawaliinta ku ganacsaddda ama ku shaqaysta Uber iyo Lyft ee Mareykanka.
“Bishii hore, aniga oo ay i weheliyaan qaar kamid ah hawlgalayaasha fulinta sharciga federaalka iyo qaar kamid ah laamaha Ilaalinta Ammniga ee ka howl gala gobolka Minnesota, waxaan ku dhawaaqay istaraatiijiyad cusub oo wax looga qabanayo dembiyada iyo rabshadaha sii kordhaya ee saameeyay shicibka ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee gobolka Minnesota. Haddaba Eedda maanta lagu soo oogay labbaddan nin ayaa kamid ah tallaabooyin muhim ah oo la qaaday oo la xiriira istiraatiijiyadda ammniga lagu sugayo,†ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Luger.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay intii u dhaxaysay Sebtembar iyo Oktoobar ee sannadkii 2021 in Shevirio Childs-Young oo jira 18-sanno iyo William Saffold oo 20 jir ay dhac qorsheysan u geysteen darawaliin iyagoo iska dhigaya in ay yihiin rakaab raba in la qaadayo ama la dejinayo.