Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay laamaha amniga Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka AMSIOM ee halkaas ku sugan.
Kulanka ayaa waxaa uu mid looga hadlaayay xaaladda amni ee Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoostega Magaaladaas iyo arrimo ku aadan diyaar garoowga Caleemo-saarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.
Saraakiisha Booliska iyo kuwa AMSIOM ayaa Yuusuf Daba-geed uga warbixiyay sida ay socdaan howlaha sugida amniga iyo qorshaha lagu xaqiijin karo ammaanka Baladweyne, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa ASMIOM faray dar-dargelinta sugida amniga Magaalada oo lagu qabanayo Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenka.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Munaasabadda Caleemo-saarka, waxaana tegi doona halkaas Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galaya Munaasabadda.