Waar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab-xooggan oo ka kacay Keymo iyo dhul-daaqsimeed ballaaran oo kuyaalla Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland, waxaana lagu soow arramayaa inuu jiro khasare ballaaran.
Dabka ayaa si gaar ah uga kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, wxaana wararku ay sheegayaan in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.
Dadka degaankaasi ayaa soo sheegaya in dabkaasi uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow degmada Dangorayo.
Maamulka degmadaasi oo faah faahin ka bixiyay dabkaasi, ayaa sheegay inay kahor tageen in dabku uu kusii baaho dhul hor leh oo keymo ah.
Guddoomiye Ku Xigeenka degmada Dangorayo Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa Sheegay in Maamulka degmada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, islamarkaana la baarayo waxa sababay.