Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay inay saakayto Koox ka tirsan Alqaacidada Galbeedka Afrika ee loo yaqoono AQIM ayaa weerararay Splendid Hotel  oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ouagadougou, oo ay inta badan isticmaalaan Dadka Reer Galbeedka iyo  Ciiddanka Faransiiska ee qeybta ka ah Hawlgalka Barkhane, kuwaasi oo uu Saldhigoodu ku yaallo dalka Jaad.
Kooxaha Dabdamiska ee dalkaasi ,waxay sheegeen inay 10 mayd ku arkeen goob laga cabo Kafeyga oo lagu magacaabo, kaasi oo ka soo horjeeda Dhismaha Hotelkala weeraray.
Wasiirka Isgaarsiinta, Demis Dandjinov ayaa sheegay in la soo badbaadiyey Ku-dhawaad 30 La-hayste oo uu ku jiray Wasiirka Shaqada, iyadoo 33 qof kalena oo dhaawacnaa loo qaaday Isbitaalladda.
Ma cadda tiradda rasmiga ee dadkii ku sugnaa Hotelka la weeraray.
Ciiddanka dalka Burkino Faaso oo taageero ka helayo Ciiddamo ka kala socda Faransiiska iyo Maraykanka ayaa weli ku hawlan sidii loo soo furab lahaa dadka weli lagu haysto Hotelka Calaamiga ee Splendid Hotel.
Dhinaca kale, Dhakhtar ka hawlgala Isbitaalka Jamaacadda Wagaduugu, ayaa sheegay in Isbitaalka la soo gaarsiiyey ilaa 15 qof oo dhawaacan, kuwaasi oo qaarkood qabay dhaawacyo rasaaseed, halka kuwa kalena ay kdhaawacmeen, markii ay ka soo boodeen Dabaqyada Hoteelka la weeraray.
    Â