Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa  gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-goboleedka Puntland.
Raâ€iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad-goboleedka Puntland, gaar ahaana madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, xubno kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan wafdiga raâ€iisul wasaaraha madaxda iyo shacabka Puntland, iyadoo maalmaha soo aadan ay kusii sugnaan doonaan deegaanada Puntland.