Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo Wareysi siiyey Dalsan Tv ayaa waxa uu ka hadlay taageerada uu siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waxa xilliagan keenay maadaama dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh uu Mucaarad ku ahaa.
Siyaasiga ayaa shaaciyey in dowladda Hadda jirta uu ku taageeray dhowr qodob oo uu sheegay in ay sababtay in laga gudbo caqabadihii keeni karay in khilaaf uu ka dhasho,isla markaana lagu mucaaradi lahaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa la weeydiiyey su’aal aheyd  waxa jira in lacag ka qaato Madaxtooyada si uu u taageero Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabey.
“Runtii dadka Soomaaliyed labo ayay u qeybsan yihiin,hadii adiga aad wadani noqoto dada qaran dumis ah ayaa dadka Soomaaliyeed waxay dhahayaan Wadani,qaar wanaagsana oo wadaniyiina oo dalkaan qaranimadiisa doonayana,waxaa dhici karta in qaladaad loo yeelo,aniga mar ayaan mucaarad ku ahaa dowladii Xasan oo waxay isbaaro u dhigatay xisbiyada Siyaasadeed ayuu yiri Siyaasiga.
Ugu dambeyn wax auu aad u taageeray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in Sanada 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Hoos Ka Daawo Muuqaala Wareysiga Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo dhinacyo badan taabanaya.