Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, ka dib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Xubnaha Garsoorayaasha ee xilka uu ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya waxa ay Wareysi siiyeen Dalsan TV,iyaga oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu xilka ka qaado guddoomiyaha Maxkamada Sare balse iyagii xilkii laga qaaday.
Garsoorayaasha xilka laga qaaday ayaa kala ah.
–     Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.
Â
–     Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.
Â
–     Mudane Maxamuud Axmed Faarax.
Â
–     Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.
Â
–     Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.
Â
–     Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu Magacaabey Garsoorayaal kale oo bedelaya Garsoorayaashii xilka laga qaaday.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka Wareysiga ay Dalsan Tv siiyeen Garsoorayaasha Xilka laga qaaday.