Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay qeybo kamida xaafadaha magaaladda ay kusoo dhaceen madaafiic aan la garaneyn halka ay ka yimaadeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Inta la ogyahay Madaafiicdaan waxaa ku geeriyooday 4-ruux sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 20-kale.
Dadka ku dhaawacmay madaafiicda ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Madaafiicdda ayaa kusoo dhacay garoonka diyaaradaha magaaladda iyo Xarunta Madaxtooda Maamulka Koonfur galbeed uu ku leeyahay Baydhabo.
Madaafiicda ayaa la rumeysan yahay in ay tureen dagaalayaasha Al shabaab.