Wargeyska Al-Riyadh ee ka soo baxa dalkaasi wax uu maanta qoray in la qabtay Haweeneydaasi oo baraha Bulshadda soo dhigtay iyadoo jir-dilaysa gabdho mataano oo ay dhashay oo 6 bilood jir ah.
Afhayeenka Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Bulshadda ee Sacuudiga, Khaalid Aba Al-Khayl oo la hadlay Wargeyska Al-riyadh ayaa sheegay in Haweeneydaasi oo u dhalatay Somalia ay dhawaan kala tageen Ninkeeda oo Yemeni ah.
Waxa uu intaasi ku daray in Haweeneydaasi oo ku noolayd magaalladda Jeddah ay soo wajahday dhibaato Dhaqaale, maadaama aysan wax shaqo ah haynin.
Afhayeen Khalid Aba Al-khayl waxa kale oo uu tilmaamay in Labdaa Gabdhaha Mataanaha oo lagu klaa magacaabo (JOWRI iyo JOOD) loo gudbiyey Isbitaalka Dhallaanka iyo Haweenka ee magaalladda Jeddah, si loohubiyo caafimaadkooda, halka Hooyadoodana la xiray, si wax looga weydiiyo waxa ku dhaliyey inay Carrrurteeda jir-disho, kadibna lagu faafiyo Baraha Bulshadda.
Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay Muuqaalkaasi u dirtay Qoyska Ninka ay ilmaha u dhashay si ay lacag ugu soo diraan ama ay dili doonto carruurta, waxayna Qoyska Ninka muuqaalkaasi ku baahiyeen Bulshadda.
Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Qoyska ninkeeda oo deggan Yeman ay Muuqaalkaasi soo dhigeen Barta YouTube-ka, iyagoo rajeynayey inay Ciiddanka Sacuudiga soo badbaadiyaan Carruurtaasi
Muuqaalkaasi oo ka koobnaa 3 Kilib ayaa waxaa Baraha Bulshadda la soo dhigay bishan July 18-da, iyadoo ay dad fara badan daawadeen Muuqaalkaasi.
Kilibka 1-aad ayaa waxaa ka muuqday Hooyadda oo ceejinaysa mid ka mid ah gabdhaheeda yaryar, iyadoo la maqlayey cod ay ku dhahayso: “Maanta, waa idin dili doonaaâ€.
Kilibyada kale ayaa waxaa laga dheehan kara iyadoo isku garaacaysa madaxyada ilmaheeda iyo iyadoo mid ka mid ah si xoog leh dhulka ugu dhufanayso.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan waxaa aad uga wada naxay dhamaan dadkii daawaday, kuwaasi oo dhinaca kale u garaabay xaalladda dhaqaale-xumida ee haysata Hooyadaasi oo aan wax tagaeero ah ka helin ninka ay kala tageen o oay carruurta u dhashay.