Muwaadin Somali British lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin ayaa la shaaciyey inuu yahay Hoggaamiyaha Kooxda Daacish ee ka hawlgasha Somalia.
Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Sheekh C/qaadir Muumin ka soo baxsaday dalka Britain, kadib, markii ay Sirdoonka MI 5 baaritan ku bilaabeen iyadoo uu Hoggaamiyahaasi xiriir la lahaa labadii nin ee dishay Askari u dhashay Britain oo la oran jirey Drumeer Lee Rigby.
Dilkii Hoggaamiyihii Ururka Alqaacida kadib sannadkii 2011-kii, waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan Dagaalka Jihaadka ilaa aan geerida u dhadhamino sida Usaama Bin Laadin.
Sheekh C/qaadir Muumin oo dalka Britain ka soo dhoofay waxa uu markii uu yimid Somalia gubay Baasaboorkiisa British, wuxuuan ku biiray Alshabaab.
Bartamihii sannadkii hore ayuu ku dhawaaqay inuu ka go’ay Alshabaab, kuna biiray Daacish, wuxuuna Muuqaal Video ah oo uu soo dhigya You Tubeka ku caddeeyey inuu taabacsan yahay Hoggaamiyaha Daacish, Sheekh Abuu Bakar Albaqdaadi.
Agaasimaha Kooxda Xasaradaha Adduunka (The iNternational Crisis Group) ugu qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Cedric Barnes ayaa u sheegay Wargeyska The Telegraph in sababaha Sheekh C/qaadir Muumin ugu biiray Daacish tahay fursad ay kula loolamaan Alshabaab.
Dhinaca kale, Hoggaamiyahaasi  oo haatan la rumeysan yahay inay iyo Maleeshiyadiisa ku sugan yihiin Buuraha Galgala ee Puntland ayaa qorsheynaya inuu kordhiyo tirada Dagaalamayaasha u daacadda ah Kooxda Daacish.
Shabakaddaha Wararka Sirdoonka ee HIS Global Insight ayaa qortay inay Kooxda Sheekh C/qaadir Muumin sheegeen inay qoranayaan Dagaalamayaal cusub oo ay mushaar ahaan u siinayaan ilaa 400 oo Dollar bishiiba.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Daacish noqotay Kooxda ugu mushaarka badan Kooxaha ka dagaalamayo gudaha Somalia.
Source: telegraph.co.uk
©Radio Dalsan