19 ruux oo dagan xerada barakacayaasha Badbaado ee degmada Dharkenley ayaa waxaa soo ritay cudurka shuban-biyoodka sida ay Dalsan u sheegen qaar kamid ah dadka barakacayaasha.
Cudurka ayaa xerada ka dilaac isniintii shalaym,xalay iyo saakay ayuuna tirada ugu badan soo ritay .
Shan kamid ah dadka cudurkaa la ildaran ayaa la dhigay cusbitalka Banaadir inkastoo intooda badan xerada lagu hayo.
2 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay u geeriyoodeyn cudurkaasi sida aynu wararka ku helnay .
Weli ma jiraan wax gurmad caafimaad ah oo ay helen dadka barakacayaasha ah ee ku jira xerada Badbaado.