Dalka Holland ayaa waxaa wali ka jira bandowgii ay dowladdu soo rogtay si loo xakameeyo faafista faraca Omicron ee Coronavirus oo si weyn ugu faafaya dalkaasi.
Bandowgan ayey si weyn uga caroodeen dadweynahga dalkaasi, waxaa sidoo kale uu saameeyay Soomaalida ku nool magaalooyinka Amsterdam iyo Rotterdam.
Dowladda ayaa amartay in la xiro dhammaan goobaha Ganacsi ee Suuqyada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee dadka isugu yimaadan, si loo xakameeyo faafida faraca Omicron ee Coronavirus oo kusii faafaya dalka Holland.
Bandowga lagu soo rogay Holland ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay Soomaalida kunool dalkaas, gaar ahaan darawalada Soomaalida ee ku shaqeysata gaadiida Takaasida oo waayay dadkii ay qaadi jireen oo guryaha jooga.
Dowladda Holland ayaa saacadihii lasoo dhaafay diiwaan-gelisay 25 kun oo kiisas faraca Omicron ee Coronavirus oo kusii faafaya Magaalada Caasimadda ah Amsterdam, iyadoona lagu dhawaaqay Bandowga, si loo xakameeyo faafida Cudurka.