Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhammaatay coddeynta wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada wareega labaad ayaa waxaa ku tartamayey afar Musharax oo kasoo gudbay wareega koowaad, kuwaasi oo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhiibtay codadkooda, isla markaana waxaa Guddiga doorashada ay bilaabayaan tirinta Codadka Xildhibaanada Baarlamaanka ay dhiibteen.
Howlka doorashada ka socota ee Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Musharaxiinta tartamaya, Wakiilada Beesha Caalamka, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay doorashada.