Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda (Daacish) ayaa la dilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq, kadib howlgal wadajir ah oo bartilmaameedkiisu ahaa hoggaanka kooxda.
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia al-Sudani ayaa shaaca ka qaaday guusha hawlgalka, isagoo Jimcihii bartiisa X ku sheegay in hay’adda sirdoonka Ciraaq ay “si guul leh u khaarijisay” Abdallah Makki Muslih al-Rufay’i, oo ahaa ku-xigeenka hoggaamiyaha IS. Sudani wuxuu dilka al-Rufay’i ku tilmaamay “guul amni oo weyn.”
Ciidamada gaarka ah ee Ciraaq ayaa sidoo kale xaqiijiyay in al-Rufay’i lagu dilay duqeyn cirka ah oo Khamiistii ka dhacday lamadegaanka Anbar ee galbeedka Ciraaq.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isna bartiisa Truth Social ku xaqiijiyay dilka al-Rufay’i, isagoo sheegay in hoggaamiyihii IS ee Ciraaq la dilay kadib markii si joogto ah loo daba joogay. Wuxuu xusay in nolosha al-Rufay’i la soo afjaray, isla markaana howlgalka si wadajir ah u fuliyeen dowladda Ciraaq iyo maamulka Kurdida ee Waqooyiga Ciraaq.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (U.S. Central Command) ayaa sheegay in al-Rufay’i lagu dilay duqeyn sax ah oo Khamiistii ka dhacday Ciraaq, iyadoo lagu xaqiijiyay dhimashadiisa DNA laga qaaday kadib weerarkii hore ee uu ka baxsaday. Sidoo kale, waxay sheegeen in al-Rufay’i iyo xubintii kale ee IS ay xirnaayeen jaakadaha qarxa xilligii la dilayay, isla markaana ay wateen hub kala duwan.