Haweeeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalka Jarmalka, Annegret Kramp-Karrenbauer ayaa sheegtay in Ciiddankii ugu dambeeyey ee Jarmalka ka dhoofeen dalkaasi, kadib, markii ay ku-dhaawaad 20-sano ka hawl-galayeen.
Qoraal ay Barteeda Twitterka xalay soo dhigtay waxay ku xusay inay Ciiddanka si nabad ah kaga soo dhoofeen dalkaasi.
Dhinaca kale, Milliteriga Jarmalka oo loo yaqaano Bundeswehr waxay sheegeen in Ciiddankaasi iyo Taliyaha Guutadii u dambeysay, Jeneral Ansgar Meyer ka soo dhoofeen dalkaasi, iyagoo Transit ahaan sii maraya Caasimadda dalka Jooriya ee Tiblisi.
Diyaarad xamuul oo nooceedu yahay Airbus A400M ayaa la sheegay in Ciiddankaasi ka soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Afganistan ee Kabul, iyagoo ku waahan dalkooda hooyo.
Ilaa 1,100 Askar Jarmal ah ayaa ku sugnaa Afganistan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Ciiddamo Isku-dhaf ah oo ka socday dalalka Isbahaysiga NATO.
55 Askar Jarmal ayaana lagu dilay inta ay Hawlgallada u Joogeen dalkaasi.