Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinett ayaashaaciyey in la adkeeyey ammaanka dalkaasi, kadib, iska horimaadkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Laamu.
War Saxaafadeed uu soo saaray, waxa uu ku sheegay inay Boliska fashilin doonaan weerar kasta, wuxuuna xusay inay  Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay beegsadaan Xarumaha Dowladda ee ku kala yaalla Nairobi, Mombasa iyo Goballadda W/bari Kenya.
Waxa kaloo uu tilmaamay inay Alshabaab qorsheynayaan inay Bisha Ramadaan kordhiyaan weeraradda ay ku soo qaadayaan Xarumaha W/barashadda iyo Ganacsiga, wuxuuna ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeraad ah.
Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Kenya, David Obonyo ayaa sheegay in weerarkii Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku soo qaadeen Xero ku taallo duleedka Laamu inay uga dan lahaayen inay khasaaro ku geystaan.
Dadka Reer Kenya waxay Toddobaadkan u barooranayaan weerarkii ay Alshabaab hal sanno ka hor ka geysteen Degmooyinka Lamu, Hindi, Witu  iyo  Mpeketoni, laguna dilay in ka badan 60-qof.
Bilowgii bishii April ee sannadkan, weerar ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa waxaa lagu dilay 148-qof oo u badnaa arday.
© Warqabadka Dalsan Radio