Baaritaan ay sameeyeen Suxufiyiin ka tirsan Wargeyska Toddobaadlaha ee The Saturday Nation ayaa qoray inaysan haba yaraatee Ganacsatadda Sonkorta u iib-geeya Kenya midkooda ku jirin Liiska 86-ka Shaqsi iyo Shirkaddo ee ay Dowladda Kenya dhawaan xayirtay lacagahooda, kadib ,markii lagu eedeeyey inay Kooxda Alshabaab maalgeliyan.
Wargeyska waxa uu qoray in Ganacsatadda sida kontorobaanka sonkorta ugu gudbiya Kenya ay weli xiriir la leeyihiin Alshabaab, saddex isbuuc kadib, markii ay Alshabaab weeraro ka geysteen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148 qof.
Warbixin ay QM iyo Hay’ad Maraykan ah soo saareen ayey ku sheegeen inay ku-dhawaad 70-Ganacsato oo ku kala sugan magaallooyinka Kismaayo, Garissa iyo Nairobi yihiin kuwa iib-geeya Sonkorta iyo Dhuxusha, kadibna dhaqaalahaasi ku tagaeera Xarakadda Alshabaab, waa sida lagu xusay qoraalkaasi.
Wargeyska The Saturday Nation ee maanta ka soo baxay magaalladda Nairobi, waxa kaloo uu qoray in mid ka mid ah Ganacsatadda sonkorta oo ku sugan magaalladda Garisa la sheegay inuu xiriir la leeyahay Siyaasi Sare oo Kenyaati ah.
Ganacsadahaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay in Malaayiin Dollars ka macaasho sannadkiiba Shixnadaha Sonkorta ee uu ka soo qaado Dekedda Kismaayo, laguna iibgeyeo gudaha dalka Kenya.
Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay Xarakadda Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku lug leeyihiin Tahriibinta Sonkorta, iyadoo ay labada dhinac leeyihiin Kontoroolo ku yaalla waddada xiriirisa Kismaayo iyo Garissa.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Wargeyska inay Alshabaab saddex Kontorool maamulaan, halka Ciiddanka Kenyana ay gacanta ku hayaan 2 Jid-gooyo, waxaana uu is-faham dhex maray Ganacsatadda Sonkorta iyo Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya.
Wargeyska The Saturday Nation waxa kaloo uu qoray in gawaaridda waday shixnadaha xamuulka ay adeegsadaan Barta Kontoroolka ee Kulbiyo, halkaasi oo ay kaga sii gudbaan Laamu iyo Mombasa, iyagoo Sonkorta ka iibiya Ganasatadda Deegaanka oo iyagu dib Sonkorta ugu cabeeya Jawaano, si ay uga dhigaan in Sonkorta lagu soo farsameeyey Wershadda Mumias Sugar oo ah Wershadda ugu wax soo saarka badan Sonkorta laga isticmaalo gudaha dalka Kenya.