Mashaqo Siyaasadeed oo nooceedu cusub yahay ayaa ka dhex aloosan Dowladaha Somalia iyo Kenya, kadib, markii ay Dowladda Somalia ay isbuucii hore u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ gal-dacwadeed ka dhan ah tallaabadda ay Dowladda Kenya ku sheeganayso xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.
Xiriirka Labada Dowladood ayaa ahaa mid ulo booc ku tukabayo, mana jirto Kalsooni-Siyaasadeed iyo Xiriir ku dhisan Dacaadnimo iyo Derisnimo.
Gilgilka Siyaasadda ayaana waxaa loo aaneynayaa iyadoo Dowladda Kenya weli u hamuun qabto inay xoog ku maquuniyaan Rabitaanka Soomaalida, waxayna haatan wadaan Mashruuc Labo Afle ah, haddii uusan saddex afle ahayn.
Gorgortanka Qaxootiga Soomaalida, Muranka Badda iyo Dhismaha Derbiga lagu xalaalaysanayo qeybo ka mid ah dhul-xuduudeedka Somalia ayaana ah arrimo aad khatar ugu ah Midnimadda Qaranka Somalia.
Hawlgalkii Difaaca Dhulkaaga “Operation Linda Nchi†ama Protect the Country ee ay Kumanaan Ciiddamo ka tirsan Milliteriga Kenya (KDF) ku soo galeen gudaha dalka Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii ayaa ahayd xeellad dahsoon oo ay Kenyanka kaga faa’ideysteen calawsanaanta Nabadda Somalia iyo khatarta ay Dagaalamayaasha  Xarakadda Alshabaab ku hayeen Kenya.
Kaartadda ay Ciiddanka Kenyanka fariisimadda kaga dhigteen Goballadda Jubbooyinka ayaana ahayd qorshe qarsoonaa o olagu difaacayo Danaha Kenya.
Hagardaamadda Kenyanka maleegayaan ayaa haatan lagu soo baraarugay, kadib, markii uu sii laba lixaadsaday  muranka xuduud-baddeedka oo soo taagnaa lixdii sanno ee ugu dambeysay.
Siyaasiyiinta Kenya kuma farxin tallaabadii ay Dowladda Federalka Somalia bishan July 13-dii ugu gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ†dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya ee ku aadan Milkiyadda xuduud-baddeedka Somalia ee ay Kenyanka doonayaan inay boobaan.
Waana ayaan-darro haddii ay Dowladaha deriska u arkaan Somalia cad hilib ah oo kale oo la iska feenan karo, waana gocasho taariikheed inaysan qeybaha Ciiddamadda Qaranka haatan cudud u lahayn inay Awood Milliteri ku maquuniyaan Damaaciga Kenyaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya, Ndung’u Gethenji ayaana si dulmi-siyasaasadeed ka muuqato ku sheegay inay Soomaalida doonayaan inay boobaan Badda Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu ku baaqay in Milliteriga Kenya (KDF) loo daad-gureeyo Badda lagu murunsan yahay, si ay u difaacaan waxa uu ku tilmaamay Badda Kenya.
Sed-bursi-doonka Kenyaanka ayaa u muuqda mid ay Sharci ahaan ku fashilmeen, mana muuqato xitaa inay awood u leeyihiin inay Ciiddanka Soo-ma-jeestayaasha Milliteriga Somalia ka libin helaan, maadaama ay Dowladda Kenya loodin kari la’ yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ee had iyo jeer ku durduriya Ciiddanka KDF.
Markaynu isku soo duubno, waxay xaalladdu xilligan taagan tahay Axyaa Waddani, waana inaynu u midownaa sidii aynu dalkeenna uga difaaci lahayn  boobka ay Kenyaanka ku doonayaan inay ku xalaalaysteen qeybo ka mid ah Berrigeenna iyo Baddeenna.
Attachments