Ciiddanka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan waxaa markii ugu horreysay la soo gaarsiiyey, kuna hawlgeli doonaan Taangiyadda casriga ee Norinco WMA301, kuwaasi oo caawimi doona Ciiddanka AMISOM ee ka hawlgala Koonfurta Somalia.
Taangiyadaasi ayaa waxay ciiddanka Jabuuti ku soo bandhigeen Dhoolatuska Maalinta Xorriyadda Jabuuti oo loo dabaaldegay bishii hore ee June 27-da.
Taangiyadda waxaa soo saarta Wershadda NORINCO ee laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo ay Dowladaha Afrika ka haystaan Taangiyadaasi dalalka Kaarimuun iyo Jaad, kuwaasi oo Taangiyadaasi kula dagaalama Kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay Ciiddankooda sida ugu dhaqsaha ugu guuleysan doonaan Hawlgalladda ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaabka ee ku sugan Bartamaha Somalia.
Wasiirka waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Jabuuti oo garabsanayo Ciiddanka Qaraanka Somalia iyo Shacabka Somalia ku guuleysan doonaan Hawlgalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti, ayaa hadalkaasi jeediyey kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab dileen in ka badan 70 Askari oo Burundian ah oo ku sugnaa Saldhigga AMISOM ee Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose, wuxuuna sheegay inaysan Alshabaab ku guuleysan karin weeraradda ay ka wadaan Goballadda Koonfurta Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Jabuuti, Xasan Dharaar Hufaneh iyo Taliyaha guud ee Ciiddanka Jabuuti, Jeneral Zakariya Sheikh Ibrahim ayaa iyagana sheegay in la xoojiyey qalabka ay ku hawlgalaan Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Labada Mas’uul waxay tilmaameen inaysan marnaba Alshabaab ku guuleysan doonin dagaalladda ay ka wadaan Somalia.