Ilo-wareedyo ayaa u xaqiijiyey Dalsan Radio in Ciiddanka Ammaanka ee Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho gacanta ku dhigeen lacag dhan 3 milyan oo Dollar oo la saari lahaa Diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday Caasimadda KMG ee Maamulka Galmudug ee Cadaado.
Baaritaan iyo Wada-xaajood dheer kadib, waxay Ciiddanka Ammaanka ee Garoonka fasaxeen lacagtaasi oo ay Shirkadda Xawaaladda ee Dahabshiil milkiyadeeda lahayd.
Wararka ayaa sheegayo in Lacagtaasi loo waday Xarunta Dahabshiil ee Cadaado, oo maalmihii la soo dhaafay laga waayey wax lacag caddaan oo Dollar ah., sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku nool Cadaado.
Musharixiin iyo Siyaasiyiin badan oo ku sugan Cadaado ayaa waxay Lacagaha loogu soo xawilo Shirkadaha u adeegsadaan Ololahooda Doorashadda iyo Kharajka Siyaasadda si ay ugu guuleystaan xubnaha Maamulka Galmudug uga mid noqon doona Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
©Radio Dalsan