Ciiddan ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa waxay markii ugu horreysay la wareegeen Ammaanka Guud ee Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Galmudug ku leeyihiin magaalladda Cadaado oo Caasimad KMG u ah Maamulka Galmudug.
Ilo-wareed ayaa u sheegay Radio Dalsan in Boqolaal ka tirsan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM la wareegeen Ammaanka Guud ee Madaxtooyadda Galmudug, Aqalka ay deggan yihiin Guddiga Doorashadda iyo Kontoroolka laga soo galo magaalladda Cadaado.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Taliska AMISOM ee ay Ciiddamo suga Ammaanka xilliga Doorashadda lagu geyn lahaa magaallooyinka Maamul-gobaleedyadda ee lagu wado inay ka dhacaan Doorashadda soo socota.
Maamulka Puntland  ayaan la ogeyn inay oggolaan doonaan in Ciiddan ka socda Hawlgalka AMISOM la keeno magaalladda Garowe oo Xarun Dhexe u ah Maamuilkaasi.
Ciiddanka Nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM waxay ka hawlgalaan guud ahaan Maamul-gobaleedyadda dalka, marka laga reebo Maamulka Puntland oo aan u niyad furnayn in Hawlgalka AMISOM lagu soo ballaariyo Deegaanadda ay ka taliyaan.
Maamulka Puntland waxay horey u sheegeen inaysan raalli ka ahayn inay AMISOM ka hawl galaan Deegaanadda hoos taga Maamulka Puntland.
©Radio Dalsan