Iyadoo ay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Alshabaab dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay hawlgalo ka fuliyeen daafaha iyo gudaha Xuduudka W/bari Kenya ayaa waxay Dowladda Kenya go’aansatay inay Ciiddamo dheeraad ah u soo daabulaan xuduudka, si ay uga hortagaan hawlgalladda Alshabaab.
Xiriiriyaha W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay inay aad u adag tahay inay Ciiddanka ilaalo ka qabtaan xuduudka sababo la xiriira iyadoo ay roobab xooggan da’een iyo Waddooyinka oo aad u xun.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddamo dheeraad iyo Helikoptaro keenayaan Xuduudka, si ay ilaalo qorsheysan uga qabtaan Dagaalyahannadda Alshabaab ee ku sii qulqulayo gudaha Kenya.
Waxa uu tilmaamay inay Alshabaab culays kala kulmeen Hawlgalladda AMISOM ka wadaan gudaha Somalia, isla markaana ay door bideen inay ka soo dusaan xuduudka Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
Hadalka Mas’uulkaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalyahanno ka tirsan  Alshabaab isbuucii hore u khudbeeyeen dadka ku nool Degmadda Konton ee Wajeer Bari, waxayna halkaasi ka taageen Calanka u gaarka ah Xarakadda Alshabaab.
© Radio Dalsan        Â