Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo saaka Al-Shabaab kula dagaalamaya Jubbada Hoose ayaa soo bandhigay hub aad u farabadan oo ay ku qabsadeen dagaal ka dhacay degaan hoos yimaada Afmadow.
Sawirro iyo Muuqaallo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa waxaa ka muuqday hub aad u farabadan oo ka kooban noocyo kala duwan, waxaana Saraakiisha horkacaysay dagaalkas ay sheegen in guulo waa weyn ay ka gaareen dagaalka ka dhacay Harboole oo ka tirsan Jubbada Hoose.
Saraakiishu waxaa ay sheegeen in Ciidanka Xoogga Dalka ay saaka fashiliyeen weerar AS ku dooneysay in ay ku qaadaan deegaanka Harboole, waxaaan intaas ay ku dareen inay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.
Deegaanka Harboole oo ah meesha uu weerarka ka dhacay ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo maalmo kahor laga fara maroojiyay AS.