Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka dhulka G/Sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ayaa maanta howlgal wada dhulka howdka ah deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka oo ah mid lagu xaqiijinayo ammaanka ayey ciidamada iskaashanaya ee xoogga dalka iyo macwiisleyda ay saaka ka wadaan deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay Shabeellada Dhexe.
Dhulka howdka ah ee howlgalkaani uu maanta ka socdo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga saaray dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxayna ciidamadu ka saareen miinooyin ay AS doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhulka howdka ee deegaanka Ciid Ciidka waxaa isku aruursaday oo godad ka qotay dagaalyahanno badan oo katirsanaa Al-Shabaab, kuwaa oo ay adkaatay in si fudud meesha looga saaro, kaddib markii godad waa weyn halkaasi ka qoteen.
Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ku garaacay Shabaabkii godadka ku jiray, ciidanka dowladda Federaalka, iyaguna weerar dhinaca dhulka ah ayey maalmo badan ku hayeen aaga ay joogeen Al-Shabaab.