Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa wada abaabul ay Alshabaab kaga difaacayaan jiinka Webiga Shabeelle.
Ciidanka ayaa la arkayay saacadihii ugu dambeeyay iyagoo dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada degaanno hoos yimaada Degmada Maxaas iyo degmooyin kale oo dhaca Jiinka wabiga.
Goobaha ay haowgalladu ka socdan ayaa waxaa sidoo kale gaaray masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo Xildhibanaanno.
Xildhibaan Maxamed Cabdiqadir oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo ka mid ah Masuuliyiinta halkaasi gaaray ayaa  ku bogaadiyey saraakiisha hogaamineysa howl galka guulaha ay gaareen, isaga oo ku dhiiri galiyey inay sii laba jibaaran howlgalada ay kula dagaalamaayaan AL-Shabaab.