Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka degaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay howgallo ay ka ameeyen Xaafado ka mid ah degmooyin k atirsan Gobolka Mudug oo shalay laga saaray dagaalamaayasha AL-Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee macwiisleyda ayaa shalay si buuxda ula wareegay Bacawadweyn iyo Qaycad, waxaana ay sameeyeen howggallo ammaan xaqiijin ah sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.
Howgallada ay Ciidanku ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada ayaa lasoo sheegayaa inay kusoo qab-qabteen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalamaayasha AL-Shabaab, ee horay u xukumayay degaanadaasi.
Qaar ka mid ah saraakiisha hoekacxaysa howlgalladaasi ayaa sheegay inay siiw adi doonaan howlgallada ka dhanka ah falalka amni darro.
Sidoo kale Ciidamada ayaa gaaray sida la sheegay degaanno tuulooyin ah oo hoos yimaada Magaalooyinka ay shalay la wareegen.
Ciidamada huwanta ah ay dhowr jiho ka galay magaalooyinka, isla markaana waxaa ay isku fidiyeen xaafadaha Bacaadweyn iyo Qaycad oo muddo ay maamulayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo gacanta ku haayay.