Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo jid gal ah oo qorsheysan ka fuliyay degaanno dhaca Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Howgalka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac, iyadoo Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa dadka degaanka ay ka sheegteen guulo.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in howgallada maanta ka dhacay Galcad ay ku dileen ku dhawaad 10 dagaalame oo ka tirsan AS, waxaana intaas ay ku dareen inay qabsadeen hub iyo gaadiid.
Howgallka ay sameeyeen Ciidanka Dowladda ayaa ahaa mid jid gal ah, waxaana Ciidanku ay wadada u galeen gaari Booyad ah oo biyo doonanayey, waxaana howlgalkaas looga furtay Booyadii.