Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyey degaanno hoostago Degmada Bulaburte ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidanka Xoogga waxaa ay ku baadi goobayeen xubno katirsan dagaalamaayasha AS oo ku sugan sida saraakiishu sheegeen  degaanada jiinka wabig dhaca.
Howgallada ayaa si gaar ah uga dhacay degaanada kala ah caag bashiir, Hilaweyn Biya madobe, Beerayabaal iyo degana kale oo dhowr ah.
Taliyaha Ururka 8-aad guutada18-aad Ee gor gor, ayaa hoggaaminayay Howlgalka laga sameyay deganadaasi, waxaana wali socda howgallo kale oo ka dhan ah dagaalamaayasha AS.