Ciidanka Xoogga Dalka oo sameeyey  howlgallo ka dhan dagaalamayaasha Al Shabaab,kana  wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miinooyin ay Al Shabaab  ku aaseen wadada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.
Dagaalamayaasha Al Shabaab, ayaa doonayey in miinooyinkaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ayaa ka hortegay, iyagoo soo bandhigay miinooyinkii ay ka soo saareen wadada xiriirisa Mesagawaay iyo tuulada Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maalihii u danbeeyey sameeyey howlgalo  lagu beegsanaayo dagaalamayasha Al Shabaab.Ciidanka Qaranka ayaa shaley shaaciyey,in ay cagta mariyeeen dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab,waxana ay tirade ay dileen ku sheegeen.
Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka ah ee Soomaalya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fagaare ka sheegey in Al Shabaab cadaw dalka ragadiyey yihiin,isla markaasna dalka laga xoreynaayo.