Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamadda Xooga dalka ayaa shaaca ka qaadey in ay cagta mariyeen xarumo ay la haayeen dagaalamayaasha Al Shabaab,hawlgalkan ayaa ka dhacay Baay, Bakool iyo Gedo,waxana uu hawlgalkan ahaa waddo furis lagu sameynaayey jidadka xiriiriya deeganadaas.
Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal waddo furis ah ka sameeyay wadooyinka xiriiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada, Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee howlgallada ka socda dalka.