Howlgal qorshaysnaa oo Ciidamadda Xooga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ay maanta ka fuliyeen gobolka Bakool ayaa u suura-galiyey in Al-Shabaab gacantooda laga saaro deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.
Ciidanka xoogga oo kaashanayay ciidanka daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Shabaab ka qabsaday  deegaanada kala ah War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, iyo deegaanka moorigaabey ee Bakool, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad G/lle Yoonis Adan Xasan oo howlgalkaan hogaaminayey ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey deegaanada laga xoreeyey Shabaab ee hoostagan Gobolka Bakool.
Taliye Yoonis Aadan ayaa intaas kusii daray hadalkiisa inay sii socon doonaan howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ay la wareegi doonaan deegaano kale.
Si kastaba Ciidanka xoogga iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ay marar badan dagaalo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku dhexmareen deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.