Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ee jooga magaalada Xarar-dheere ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Gobolka Mudug.
Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay saraakiil kamid ahaa Al-Shabaab iyo dagaalamayaal hubeysan, sida ay baahisay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Ciidanka huwanta ah ayaa la sheegay in ay jidka u galeen gaari ay ku safrayeen xubno katirsan Al Shabaab oo xilligaasi marayay deegaanka Dumaaye, waxa ayna halkaasi ku dileen todobo xubnood oo katirsan Al Shabaab ay ku jireen saraakiil.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in howlgalka xubnaha lagu dilay uu ku jiro Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) oo ahaa kuxigeenka madaxa jabhada Al Shabaab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa kordhiyay howlgalada lagu beegsanayo deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Mudug iyo Galgaduud.