Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ku yaalla bariga magaalada Xuddur. Howlgalkan oo ujeedkiisu ahaa ciribtirka dagaalamayaal ka tirsan AS oo ku sugan degaanadaasi.
Waxaana hoggaaminayay Abaanduulaha Guutada 9-aad, Dhamme Cilmi Aadan Isaaq,
Ciidanku waxay si xeel dheer uga howlgaleen deegaanada Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor ilaa Garas, halkaas oo ay sheegeen ciidanku inay Jab ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha AS ee ku dhuumaaleysanayay tuulooyinka.
Ciidanka howllgalka kasameeyeen iyada oo la burburiyay goobo ay ku dhuumaaleeysanayeen
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay cagta mariyeen xarumo ay AS isku urursanayeen, taasoo kor u qaadaysa nabadda iyo amniga gobolka.
Dadka deegaanka ayaa si diirran u soo dhoweeyay howlgalkan, iyaga oo muujiyay kalsoonida ay ku qabaan CXDS oo si geesinimo leh ula dagaallamaya AS.