Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka fuliyay qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada ku teedsan wabiga Shabeelle.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad culus uu dhexmaray ciidanka iyo dagaalyahannada Al-Shabaab, xilli ay ciidamadu ku sugnaayeen goobaha ay howlgallada ka fuliyeen.
Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa la sheegay in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, inkastoo aan la bixin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Saraakiishu waxay sidoo kale xuseen in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dagaalka ay dowladda federaalka kula jirto Al-Shabaab, ayna sii wadayaan hawlgallada si looga xoreeyo deegaannada ay kooxdu ku sugan tahay.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sare u qaadeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS iyo Daacish , iyagoo dhowaan guulo ka gaaray qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.