Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee iskaa u abaabulan, ayaa saaka aroortii hore fuliyay howlgal ballaaran oo qorsheysan, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka oo ahaa mid si xeel dheer loo abaabulay, ayaa laga qaaday dhowr jiho, waxaana si toos ah loo beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka, iyo goobo kale oo la tuhunsanaa in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka uu yahay mid weli socda, iyadoo dagaal culus uu ka qarxay duleedka Geel-gub. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin tirada dhimashada iyo dhaawaca ilaa hadda.
Goobjoogayaal ku sugan nawaaxiga deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn oo muujinaya darnaanta dagaalka, halka warar kale ay sheegayaan in qaar ka mid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab ay baxsadeen markii uu dagaalku bilowday.
Taliyayaal sare oo qeyb ka ahaa hoggaanka ciidamada howlgalka qaaday ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah ula hadlaan warbaahinta, si ay uga faalloodaan natiijada iyo ujeedka howlgalkaas muhiimka ah.
Howlgalka Geel-gub ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay kordhiyeen gulufka milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo bartilmaameedka ugu weyn uu yahay in kooxdaasi laga sifeeyo guud ahaan deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa la filayaa in hawlgalladan ay sii socdaan maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasiloonida deegaannada lagala wareegayo kooxda.