Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa weli wada howlgallo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobolka. Howlgalladan oo ah kuwa si joogto ah u soconaya ayaa lagu doonayaa in gebi ahaanba looga ciribtiro argagixisada deegaannada ay ku harsan yihiin.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka, ayaa hoggaaminaya dadaallada lagu dardar gelinayo howlgalka, isagoo xusay in la joogo waqtigii kooxdaas laga xoreyn lahaa dhulka ay kaga sugan yihiin gobolka. Taliyaha ayaa sidoo kale boggaadiyey dadaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka deegaanka ugu jiraan sifeynta cadowga, isagoo xusay guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay.
Wararka ka imaanaya furimaha dagaalka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay haatan wajahayaan xaaladdii ugu xumeyd, kaddib markii laga dilay horjoogayaal caan ku ahaa daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad farabadan oo ka tirsanaa kooxda.
Ciidamada huwanta ayaa la filayaa in ay si xooggan u sii wadaan gulufka ay ku baacsanayaan haraadiga Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo in Shabeellaha Dhexe laga sifeeyo kooxaha AS.