Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay tuulada Filfile oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Tuuladaan lagu magacaabo Filfile oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ayaa la sheegay in kooxda Al-shabaab u ahayd goob ay ku qaadaan lacagaha baadda ah oo ay kooxdu ugu yeerto sakawaadka.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidankaan ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah oo ay ku baacsanayaan kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.
Si kastaba ha ahaatee, waxaana xusid mudan in tan iyo markii bishii lasoo dhaafay ay ciidammadu Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Buulo Xaaji ay isa soo dhiibeen labaatameeyo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.