Kadib dagaal bilowday abaaro shantii iyo labaatan daqiiqo ee saaka, waxaa lasoo sheegayaa in xoogagga SSC ay ay la wareegeen fariisimo iyo goobo muhiim u ahaa Ciidanka Millateriga Somaliland oo dagaal kula jira Ciidamada degaanka.
Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaaa sheegaya in Ciidanka SSC ay gacanta ku dhigeen Maraaga, waxaana sidoo kale wararku intaas ku darayaan in sidoo kale Ciidanka SSC ay si buuxda ula wareegeen Saldhigga Goojecadde oo ahaa halka ugu weyn ee dagaalka, Ahaana Fariisin muhiim u ahayd Ciidanka Somaliland.
Sawiro iyo Muuuqaallo lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa muujinaya xarumo Cusub o SSC ay lka wareegeen, waxaana ka mid aha Goobahaasi sida la sehegay Goojacadde.
Dagaalka Saaka Qaraxay ayaa ahaa kii ugu xoogganaa, ee dhawaanahan ay qaadaan xoogagga SSC, waxaana lasoo shegayaa inuu ahaa dhowr jiho.