Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland ee ( JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay gudaha magaalada Kismaayo, ee xarunta ku meelgaarka u ah dowlad Goboleedkaasi.
Howlgalka oo ilaa xalay ay Ciidanku wadeen ayaa waxaa lasheegay in xaafadaha magaalada ay guri-guri u baarayeen, waxaana ilaa iyo saaka magaalada lagu arkayaan Ciidamo Howlgallo wada sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.
Saraakiisha horkacaysa howgalka ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn uu yahay sidii xubni ka tirsan Al-shabaab looga qaban lahaa Magaalada,kuwaasi oo ay sheegeen in falal amni darro ay ka gaystaan gudaha Kismaayo.
“Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo Xubno katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab†ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay qaar ka mid ah Saraakiisha howlgalka wada.