Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo hubeysan oo isticmaalayay maandooriye, howlgalka ayaana xalay laga fuliyay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaasi Nugaal.
Taliska Booliska Nugaal oo War kasoo saaray howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay howlgalka ku qaadeen kooxda oo xilligaas faraha kula jirtay dambiyo culus oo la xiriira ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro.
Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay inay balanqaadayaan dhib kasta oo kayimaada xoojinta iyo sii socoshada hawlgalka lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista,
“Wuxuuna hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan†ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska Booliska.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo howlgalka hogaaminayay ayaa bogaadiyay Ciidanka qaybta gobolka Nugaal,oo uu uga mahad celiyay Howlgalka ay wadaan, isagoo umahad celiyay dhamaan dadka ku garabsiinaya ciidanka la dagaalanka Cabtoyda.