Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa qaybta gobolka Nugaal ayaa xalay howlgal qorsheysan oo dad iyo hub lagu soo qab-qabtay ka sameeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulkaasi.
Taliska Booliska oo war kasoo saaray howlgalkaasi oo saqdii dhexe ee xalay la fuliyay ayaa sheegay in ciidanka ammaanka Maamulka ay gacanta kusoo dhigeen rag ku eedeysan inay kufsi geysteen, isla markaana dhaceen Taleefano gacanta lagu qaato.
Howlgalka ayaa intuu socday waxaa sidoo kale lagu soo qabtay rag hubeysan oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo qaar kamida gacanta lagu qabtay iyaga oo dhaawac ah iyo hubkii ay wateen.
“Ciidanka Amniga Puntland ayaa xoojiyey hawl-galada lagula dagaalamayo kooxaha cabtoyda ah kuwa amniga lidiga ku ah. Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Maamulka Puntland.