Ciidanka Booliska Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas, iyagoona kusoo qabtay Nin hubeysan.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Nin hubeysan oo shalay qof shacab ah si bareer ah ugu dilay gudaha Magaalada Garoowe.
Taliye Maxamed Aadan ayaa Ninka gacanta lagu soo dhigay magacaabiisa ku sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, kaasi lagu xiray Saldhig Ciidan, isla markaana ay baaritaano kala duwan ku wadaan laamaha amniga Puntland.
Sidoo kale Ninka toogasha lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Muuse Faarax oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada Garoowe, in kastoo Taliska Booliska Nugaal uusan faah faahin ka bixiyay sababta keentay inuu dhaco falkaas.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Gobolka Cabdulaahi Cabdi Cilmi (Boyaax) oo ka mid ahaa Saraakiishii soo qabtay Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in wixii warbixin ah ay dib kasoo gudbin doonaan.