Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ururka Saddexaad iyo Ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka Xarardheere waxaa ay sheegeen inay ku dileen xubin sare oo Al-Shabaab iyo dagaalamaayal la socday.
Taliyaha ururka saddexaad DhammeΓΒ Cali Cageey oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidankaΓΒ howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen Tuula Xaaji, ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay ΓΒ furteen Hub iyo saanad ciidan,goobta howlgalka ka dhacayna ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.
Ciidanka Qaranka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeysay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.