Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saaka oo sabti ah waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ciidamada Jubbaland ayaa ka gudbay dhanka Wabiga halka Ciidamada qaarna ay mareen wadada Laamiga oo dhawaan Fatahaadaha ay burburiyeen, waxaana dhacay dagaal culus dhexmaray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray, saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.
Saraakiil u hadlay ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dileen afar xubnood oo kamid ahaa Shabaab, isla markaana ciidamada gacanta ay ku dhigeen Qori BKM, hal qori oo RPG ah iyo 8AK47 ah, waa sida hadalka loo dhigay.
Si kastaba ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxa ay marar badan dagaalo khasaaro dhaliyay ku dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana xusid mudan iyo dhinacyada ay guulo kala sheegteen.