Qiyaastii 150,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan degaannada bartamaha Gaza, iyadoo ciidamada Israa’iil ay ku sii siqayaan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla halkaasi,sidaasi waxaa yiri Qaramada Midoobay.
Dad goob joogayaal ah iyo garabka hubeysan ee Xamaas ayaa ku waramaya in dabaabaadka dagaalka ay gaareen duleedka bari ee xerada Bureij,kadib markii Milateriga Israa’iil ay dhawaan ballaariyeen weerarkooda dhulka si ay u beegsadaan Bureij iyo xerooyinka Nuseirat iyo Maghazi ee u dhow.
Duqeymaha Israa’iil ayaa sidoo kale lagu dilay labaatan qof Khamiistii, sida ay xaqiijiyeen wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Dhinaca kale,Masar ayaa xaqiijisay in ay soo bandhigtay hindise saddex waji ah oo lagu joojinayo dagaalka ,isla markaana lagu heli karo xabad joojin.
Wafdi ka socda Xamaas ayaa la sheegay in ay gaareen Qaahira si ay jawaab uga bixiyaan qorshaha Masar.
In ka badan 21,300 oo qof ayaa lagu dilay Gaza ,kuwaas oo u badan carruur iyo haween, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.