Koox hubeysan oo Burcad-baddeed Soomaali ah ayaa dhawaan Markab nooca kalluumeysiga oo ay saarnaayeen 11-qof Iranian ah iyo 8-shaqaale Pakistani ah ka afduubtay meel ku dhow xeebaha biyaha badda Soomaaliya.
Ciidamada badda Hindiya ayaa shaaca ka qaatay inay soo badbaadiyeen Markabkaasi oo ku xirnaa calanka Iran ayna saarnaayeen shaqaalaha, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidamada badda Hindiya.
Burcada ayaa laga soo badbaadiyay 19-shaqaale ah oo la socday Markabka nooca kalluumeysiga ahaa, waxaana sawirro ay baahiyeen Ciidamada badda Hindiya la arkayay ciidamada kumaandooska dalkaasi oo kor u fuulay markabka.
7-burcadbadeed ah ayaa markii hore la wareegay gacan ku heynta markabka, sida lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada badda, kaasoo aan faahfaahin ka bixin in afduubayaasha la hayo iyo in kale.
Waa howlgalkii saddexaad ee todobaadkii la soo dhaafay ay ciidamada Hindiya ku qabtaan maraakiib kaluumaysi oo ka babanaya calanka Iran oo aaggaasi ku sugnaa si ay shaqaalahooda uga soo badbaadiyaan afduubayaal Soomaali ah.