Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey inta u dhexeyso deeganaka Gendershe iyo Arbacow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta xarumo dagaalamaayasha AL-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolkaasi, sida ayw arbaahinta u sheegeen saraakiisha Ciidanka Xoogga ee Howgalkaasi horkacayay.
Deegaanada howlgalka laga sameyey ayaa kala ah Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow, Mara-cade.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u sameyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Haramcad’ iyo kuwa Xooga Dalka Gaar ah Guutada Cumar binu-khadaab.
Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa holwgallada guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi si xowlihi ah kaga socda Gobolada dalka.