Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan,kadib howgallo ballaaran oo Ciidanku ay sameeyeen saacadihii aynu soo dhaafnay.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda ay toos ula wareegeen gacan ku haynta degaanno hoostaga degmada Matabaan ee Waqooyinka Gobolka Hiiraan.
Degaanada ay Ciidanku gacanta ku dhigeen ayaa waxaa ak mid ah Beergadiid Bacda iyo deegaanno kale oo dhammaantood isbuucyadan dambe fariisin u aheyd dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Howgalladaasi ayaa waxaa hoggaaminayay mas’uuliyiin ka tirsan Ciidanka Dowlaadda iyo Guddoonka Gobolka, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiinta Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka  Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.
Dhawaanahaan Ciidanka Dowladda eek u sugan Degaanadada Maamulka Hirshabeelle ayaa kordhiyay howlgallaadda qorsheysan ee ay ka wadaan degaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihin Gobolka Hiiraan, waxaana dhowr jeer ka dhacay degaanadaasi dagaallo xooggan oo u dhexeeya labada dhinac.